Tuesday, February 21, 2017
Today from Wacaal Media:  _

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ka Bilaabatay Muqdisho

doorashada-soomaaliya-2016

Waxaa hadda ka bilowday xarunta Golaha Shacabka doorashadii Guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta la filayo in lagu doorto magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ka soo qeybgalay doorashada ayaa hadda waxay kor u sii dhaafayaan 150 iyadoo la filayo iney ku soo biiraan kuwo kale oo hadda xaadir ahayn.

Doorashada guddoomiyeyaasha labada aqal iyo ku xigeennadiisa waa in loo maraa; Guddoomiyaha iyo ku xigeennada rasmiga ah waxaa lagu dooranayaa ugu yaraan aqlabiyad tirada guud ee xubnaha aqal walba (50%+1) oo codeyn qarsoodi ah, qofkii wareegga koowaad ee doorashad hela 139 waxa uu si toos ugu guuleysanayaa doorashada oo wareegyo kale looma baahnaan doono, haddiise uu codku intaa ka yaraado waxaa la gaaray ilaa wareegga ugu dambeeya oo cod hal dheeri ah labada qof ee isku soo hartaa ku kala baxayso.

Guddoonka baarlamaanka waxaa u tarmaya 4-xildhibaan oo kala ah:

  1. Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibrahim
  2. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig
  3. Xildhibaan Idirs Cabdi Takar
  4. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari

 

Leave a Reply



− seven = 0