Sunday, March 26, 2017
Today from Wacaal Media:  _

Gaas oo fariin u diray Daacish

Gaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Ciidamada Puntland ku amaanay sida geesinimada leh oo ay kaga guuleysteen sida uu sheegay Kooxda Daacish ee Degmada Qandala ku sugnaa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Puntland ay ku guulesyteen in Kooxdii Daacish ka tirsaneyd in ay ka saaraan degaanada ay kula dagaalameen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka soo goosata ama ka soo baxda Daacishta ku sugan degaano ka tirsan Puntland, isagoo sidoo kale ugu baaqay xubnaha Daacish ka tirsan in ay ku soo biiraan Puntland.

Masuuliyiin uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa gaaray Degmada Qandala ee Gobolka  Bari oo ay horay ugu dagaalameen Ciidanka Puntland iyo Rag ka tirsan sida la sheegay Kooxda Daacish.

Leave a Reply



8 − = four